Home / Cayaaro / PSG oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay bixitaanka Mbappe

PSG oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay bixitaanka Mbappe

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa beenisay wararka sheegaya in Kylian Mbappe laga yaabo inuu ka tago Parc des Princes inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Mbappe uu ku biiri doono Real Madrid halka weeraryahanka uu sheegay inuusan mustaqbalkiisa u arkeynin kooxda heysata horyaalka Ligue 1.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa kaga jawaabtay warbixin ay soo saartay, iyadoo kooxda ay ku adkeysaneyso in Mbappe uu qeyb ka noqon doono kooxda iyagoo doonaya inay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

PSG ayaa tiri “ Xiriiro aad u xoogan ayaa dhexyaalayParis Saint-Germain iyo Kylian Mbappe labadii sanno ee lasoo dhaafay, xiriirkaas taariikhda leh wuu sii socon doonaa  xilli ciyaareedka soo socda.”

Mbappe dhaliyay 59 gool 86 kulan oo uu u saftay PSG, wuxuu ku guuleystay labo horyaal iyo hal koob oo French Cup ah, laakiin waxaa laga reebay Champions League wareega 16-ka ee ay la qaateen Manchester United.

Mbappe ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 32 gool.

Mbappe ayaa wali haysta afar sanno oo qandaraaskiisa ka dhiman.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan