Himilo – Halyeyga kooxda Barcelona Carles Puyol ayaa sheegay in Lionel Messi uu leeyahay awood uu ku cayaaro illaa da’da 38 sanno.
Xiddiga reer Argentine ayaa noqonaya 33 jir bisha June ee soo socota isaga oo immika ka sameynaya bandhiga wanaagsan La Liga. Waxa uu dhaliyay 14 gool isaga oo caawiyay 12 kale keliya 19 kulan.
Iyada oo cayaaryahanka sida weyn ula tartama ee Cristiano Ronaldo uu u cayaarayo Juventus isaga oo 35 jir ah, Puyol ayaa taageeray in Messi uu sidaasi oo kale sameyn karo.
“Messi waa 32 jir, waa cayaaryahan naftiisa ilaaliya, waxa uu cayaari karaa illaa 38 sanno ,” Puyol ayaa u sheegay Marca.
Waxa uu intaa raaciyay “Maxaa uga hadleynaa Barcelona oo aan heysan Messi iyada oo uu joogo? Waxa aan dooneyno waa in aan guuleysano inta awoodeenna ah.”
Qandaraaska Messi ee Camp Nou ayaa gaaraya xilli cayaareedka kale oo dheeraad ah iyada oo dhawaan soo baxeen warar ku saabsan khilaafka Messi iyo Eric Abidal.