Himilo FM –Kubadda cagta waa mid kamid ah noocyada cayaaraha ee sida weyn loo xiiseeyo, dadka jecel kubadda cagta ayaa lagu sheegaa 4 Bilyan oo ruux marka loo eego dadka ku nool dacalada dunida oo lagu qiyaaso 7.7 Bilyan, taasi oo ku tusineysa sida weyn ee loo xiiseeyo xirfadan.
Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka sida weyn loogu ixtiraamo, waxaa la rumeysan yahay in intii u dhaxeysay 1935-kii illaa 1940-kii ay soo gaartay ciyaaristeeda, waxaana xornimada kahor loo ciyaari jiray hab ku saleysan qabiil laakiin markii uu yimid ururkii xornimo doonka ee S.Y.L, waxa uu u bedelay aragti kale oo ah in farac kasta oo kamid ah ururka Leegada loo qabto tartamo, tusaale magaalooyinka ay gacanta ku hayaan in laga qaban qaabiyo kulamo ay ciyaaraan taasi oo ku tusineysa xiisaha ay Soomaalidu u heyso ciyaarista kubadda cagta.
Wixii ka danbeeyay 1948-kii, waxaa la sheegaa in uu billowday iftiinkii kubadda cagta kaddib markii dhidibada loo aasay kooxdii Jeenyo, waxaana markaa ka horreysay Otabaarko ama Gaadiidka oo iyadu dhidibada loo taagay sanaddii 1946-kii, kooxihii jirey kahor 50-kii waxaa kamid ahaa Biyaatooni, Buluusiyo, Senitaa, Gaadiidka iyo Jeenyo.
Horraantii bishii Janaayo sannadkii 1950-kii Comitato Olimpico Nationale Italino “CONI” oo uu fadhigoodu ahaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa Rosi soo magacaabay si uu u noqdo wakiilka Coni ee Soomaaliya oo ay markaasi si xornimo gaarsiin ah u hoos imaan jiray isla markaana waxaa uu ahaa madaxa isboortiga dalka.
Wakiil Rosi waxa uu isaguna magacaabay Sawli oo horey garsoore u ahaa waxaana loo magacaabay guddoomiyaha xiriirka Coni ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale xoghaye loo magacaabay Batriani.
Dhammaadkii 1951-kii waxaa la aas’aasay koobka Viera Berrimo copa della Somalia inkastoo 1972-kii loo bedelay Jeneraal Daa’uud waxaana markii ugu horreysay tartankaasi loo qabtay afar naadi oo ay laba Soomaali ahaayeen halka labada kale ay ahaayeen Talayaani, waxaa finalka wada ciyaaray Jeenyo iyo Gaadiidka, koobkana waxaa la hoyatay Gaadiidkka waana sannadkii 1951-kii.
Sanaddii 1952-kii ayay aheyd markii ugu horreysay oo la qaban qaabiyo suurta galnimada ah in la sameeyo horyaal, waxaana horyaalkaasi ku guuleystay naadiga Jeenyo oo noqotay kooxdii ugu horreysay ee hanata horyaalka dalka oo xilligaa dhidibada loo taagay, waxaana wakhtigaasi magaca horyaalka uu ahaa Campioni maadaama uu dalka joogay gumeystihii Talayaaniga.
Horyaalada la qabtay iyo kooxaha ku guuleytsay sannadahaasi laga soo gaaro 1960-ka.
Sannadka Kooxda
1952-1953 Jeenyo
1953-1954 Booliska
1954-1955 Gaadiddka
1955-1956 Gaadiidka
1956-1957 Gaadiidka
1957-1958 Muqdisho.
Sanaddii 1954-kii waxaa la aas’aasay horyaalka heerka seddexaad ee Seria C oo ay xilligaasi ka qeyb geli jireen 12 koox oo laga soo xulay xaafadaha Muqdisho, kooxahaasi waxaa kasoo baxay lix koox oo kala ahaa Xamar Weyne oo iyadu qaaday koobka, Ceelgaab, Isku raran, Boondheere, Shingaani iyo Cabdi Casiis iyada oo naadiyadaasi loogu deeqay agab isboorti iyo lacag.
Lixdaasi koox waxaa lagu aas’aasay horyaalka heerka labaad ee Seria B iyada oo ay tartankaasi ku guuleysatay kooxda Isku raran oo ay xilligaasi qeyb ka ahaayeen Allaha u naxariistee kabtan Shoongale iyo macallin Tuke.
Lasoco qeybaha xiga dhawaan.
Qore: Maxamed Xasan Maxamed Owen