Home / Cayaaro / Q2aad: Taariikhda Xamse Xaaji iyo waayahiisa garsoorka

Q2aad: Taariikhda Xamse Xaaji iyo waayahiisa garsoorka

Himilo – Xamse Xaaji ayaa garsoorka kusoo biiray sannadkii 2010-kii, isaga oo ka billaabay garoomada bacaadka ee lagu qabto tartamada Ramadaanka iyo kuwa iskuulada, wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu sameeyay horrumar ugu danbeyn sababay in uu ka miro dhaliyo hammiigisii ahaa in uu mar uun garsoore heer caalami ah noqdo.

Sannadkii 2011-kii ayuu noqday garsoore heerka seddexaad ah isaga oo dhex dhaxaadin jiray tartamada ay ka qeyb galaan kooxaha heerka seddexaad ee Serie C.

2012-kii Xamse ayaa sameeyay horrumar la taaban karo isaga oo u dallacay heerka labaad taasi oo ku dhalisay hammi ah in uu mar uun noqon karo shaqsi sharaf dheer ka sameeya waaxda garsoorka oo kamid ah hay’adaha hoos yimaada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Halkaasi kuma sii ekeyn halganka Xamse oo waxa uu hal sanno kaddib sannaddii 2013-kii loo dalacsiiyay heerka koowaad, keliya markan waxa uu sugayaa in loo aqoonsado garsoore heer caalami mar haddii uu ka mira dhaliyay rajadiisii aheyd kasoo dhex muuqashada qeybta ugu sarreysa garsoorka ee gudaha, isla sannadkaasi 2013 waxaa Xamse loo aqoonsaday garsoore heer caalami ah oo awood u leh ka qeyb gelidda tartamada hoos yimaada xiriirka qaaradda Afrika.

Garsoore Xamse ayaa kamid ah kuwa ugu wanaagsan ee Soomaalida had iyo jeerna kasoo dhex muuqda tartamada caalamiga iyo kuwa gudaha. Wuxuuna safarkiisii ugu horreeyay ee bannaanka ah ku tagay dalka Burundi bishii Febraayo sannadkii 2013-kii, wixii intaasi ka gadaaleeyay si joogto ah ayuu ugu dhex muuqday safarada dibadda ah.

Intii uu mihnadan ku jiray waxa uu ka qeyb galay dhowr tartan oo dibadda ah sida kulan ka tirsanaa Confederation Cup kaasi oo ay ciyaareysay naadiga Gormahia FC kana dhacay dalka Masar.

Sidoo kale waxa uu kasoo muuqday dhowr final ah sida tartanka Jeneral Daa’uud oo kamid ah tartamada maxalliga ee ugu faca weyn dalkeenna.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan