Home / Caafimaad / Qaar kamid ah cuntooyinka ay tahay inay ka fogaadaan dadka da’da ah

Qaar kamid ah cuntooyinka ay tahay inay ka fogaadaan dadka da’da ah

Himilo – Markasta oo ay da’da qofka fogaato, waxaa kordhaysa fursadda uu qofka ugu nuglaan karo cudurro badan sida Macaanka iyo wadno xannuunka laakiin ragga da’dooda dhaaftay 50-ka sanno waa inay diiradda saaraan cuntada ay qaadanayaan.

Bogga Newsmax ayaa qoray qaar kamid ah cuntooyinka aan ku habbooneyn ragga da’dooda dhaaftay 50-ka sanno si aysan uga dhaxlin dhibaatooyin caafimaad.

1) Kackaca

Drs Toby Amedor ayaa tilmaameysa in kackaca laga heli karo Calories badan balse uusan laheyn nafaqo badan, sidaa darteed, waxay dadka da’da ah kula talineysaa inay qaataan wakhtiyo kooban.

2) Cuntada shiilan

Cuntada shiilan ayaa si weyn loola xiriiriyay khatarta cudurrada wadno xannuunka. Sida laga soo xigtay Drs Toby, dadka da’da ah ayaa ka dhaxli kara cuntadan Macaanka nuuciisa labaad.

3) Hilibka soo mara warshadaha

Hilibka la marsiiyo warshadaha oo ay ku badan tahay dufanta ayaa loo arkaa khatar kale oo ku wajahan dadka da’da ah. Waxa uu ku keeni karaa Cholesterol sida ay sheegtay Drs Toby Amedor.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan