Home / Macluumaad / Qaramada Midoobay: Kumannaan carruur ah oo la kufsaday Bariga Kongo

Qaramada Midoobay: Kumannaan carruur ah oo la kufsaday Bariga Kongo

Himilo – Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa ku dhawaaqday in kumannaan carruur ah lagu kufsaday laguna xadgudbay galmada laba bilood gudahood gudaha Bariga Kongo oo ay colaado ba’an ka jiraan. Hay’adda ayaa sidoo kale ka digtay in baahi dhaqaale oo jirta ay keentay in boqollaal kun oo carruur ah la waayo ilaalintii iyo adeegyada muhiimka u ahaa badbaadintooda.

Afhayeenka UNICEF, James Elder, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva ka sheegay in carruurtu ay ka yihiin 35% ilaa 45% tirada ku dhow 10,000 oo kiis oo kufsi iyo xadgudubyo galmo ah oo la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay Janaayo iyo Febraayo sanadkan.

“Si kooban haddii loo dhigo, xogta horudhaca ah waxay muujineysaa in 30-kii daqiiqo kasta hal carruur ah la kufsaday,” ayuu yiri Elder.

Wuxuu intaa ku daray in UNICEF ay wajahday hoos u dhac weyn oo xagga maalgelinta ah, taasoo khatar gelin karta in carruur badan laga saaro adeegyo muhiim ah.

“Haddii aan la buuxin farqiga dhaqaalaha ee ka dhashay barnaamijyo muhiim ah oo la joojiyay, waxaa jira halis ah in 250,000 oo carruur ah ay waayaan adeegyada lagama-maarmaanka u ah ka-hortagga tacaddiyada ku saleysan jinsiga iyo ilaalinta xilliyada colaadaha hubeysan,” ayuu yiri Elder. “Waxaan heysanaa 12 todobaad oo keliya.”

Dagaalka muddada dheer socday ee gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo ayaa cirka isku shareeray bishii Janaayo markii xoogagga M23 ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Goma, iyagoo xigtay magaalada Bukavu bishii Febraayo. Iska horimaadyadaasi ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 3,000 qof, iyadoo la cabsi qabo in dagaalkaasi uu isu beddelo mid goboleed oo ballaaran.

“Tacaddiyada galmada ee Kongo laguma saleeyo dhacdooyin gooni-gooni ah, balse waa xeelad dagaal oo si ula kac ah loo adeegsado,” ayuu yiri Elder. “Waa xaalad nidaamsan oo halis ah.”

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Kongo iyo fallaagada ay taageerto Rwanda ay kulamo nabadeed uga socdaan dalka Qatar, si loo xalliyo colaadda ka taagan Bariga Kongo oo ay mucaaradku gacanta ku dhigeen dhul ballaaran.

Xoogagga M23 ayaa ka mid ah in ka badan 100 kooxood oo hubeysan kuwaas oo u dagaallamaya gacan-ku-haynta Bariga Kongo oo khayraadka dabiiciga ah hodan ku ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamada M23 ay taageero ka helaan ku dhowaad 4,000 oo askari oo ka yimid dalka Rwanda, kuwaas oo marar badan ballanqaaday inay si toos ah ugu socdaan caasimadda Kongo ee Kinshasa, oo qiyaastii 1,600 km (1,000 mayl) u jirta.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan