Himilo – Warbixin degdeg ah oo ay soo saartay Kooxda Bangiga Adduunka, ayaa lagu sheegay in Duufaantii Didwah oo ku dhufatay dalka Sri Lanka dabayaaqadii November 2025 ay sababtay khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasay $4.1 bilyan oo doolar, taas oo u dhiganta ku dhowaad 4 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka.
Duufaantan, oo ka mid ah kuwii ugu xoogga badnaa uguna burburka badnaa taariikhda dhow ee Sri Lanka, ayaa si ba’an u saameysay ku dhowaad 2 milyan oo qof iyo 500,000 qoys, iyadoo waxyeello gaarsiisay dhammaan 25-ka gobol ee dalka, carqaladeysay nolol-maalmeedka, adeegyada aasaasiga ah iyo guud ahaan dhaqaalaha.
Warbixinta ayaa bixisay xog degdeg ah oo muhiim u ah jawaabta gurmadka, qorsheynta soo kabashada, iyo dadaallada muddada dheer ee yareynta khataraha musiibooyinka.
Khasaaraha lagu qiyaasay $4.1 bilyan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u gilgilay gobollada ay saameynta ugu daran gaartay.
Kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan waddooyinka, buundooyinka, tareennada iyo shabakadaha biyaha, ayaa qaatay saamiga ugu weyn ee khasaaraha, iyadoo lagu qiyaasay $1.735 bilyan, taas oo si weyn u carqaladeysay isku-socodka, gaadiidka iyo helitaanka suuqyada iyo adeegyada muhiimka ah.
Radio Himilo
