Qashinka oo sanad kasta dhaawac, dabin ama dhimasho u geysto duurjoogta

Himilo – Kooxaha badbaadinta xayawaanka ee Scotland ayaa badbaadiyay dawaco yar  oo ugu yaraan laba maalmood la arkayay iyada oo madaxa kala bixi la caag u galay oo halis galiyay.

Ururka Scottish SPCA ayaa sheegay in gurmadka loo diray xaafad ku taalla magaalada Glasgow kadib markii qof deegaanka ah uu soo sheegay xaaladda dawacada. Isku daygii ugu horreeyay ayay dawacadu ku carartay godkeeda, balse maalintii xigtay ayaa mar kale la raadiyay.

Kadib baaritaan dheer iyo isku dayo dhowr ah oo fashilmay, dawacada ayaa mar kale kasoo baxday duurka iyadoo dhaladii weli madaxa uga dheggan tahay, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in laga saaro.

 

Dawacada ayaa loo qaaday Isbitaalka Xoolaha Yar ee Jaamacadda Glasgow, halkaas oo looga daweeyay dhaawac qoorta kaga yaallay oo ay sababtay caagadu. Haatan waxaa lagu daryeelayaa Xarunta Qaranka ee Badbaadinta Duurjoogta ee Scottish SPCA, ilaa ay ka bogsato si dib loogu sii daayo deegaanka.

Mas’uul ka tirsan kooxda badbaadinta ayaa sheegay in dawacadu nasiib badan lahayd, isagoo xusay in haddii aan waqtigeeda la badbaadin, dhaawaca ka dhashay caagga uu halis gelin kari lahaa nolosheeda. Waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay si habboon u tuuraan qashinka, maaddaama qashinka la dayaco uu sannad kasta dhaawac, dabin ama dhimasho u geysto xayawaanno badan oo duurjoog ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan