Home / Habka-Nolosha / Qiimaha Lagu Burburin karo Qan daraaska David De Gea Oo Shaaca Laga Qaday

Qiimaha Lagu Burburin karo Qan daraaska David De Gea Oo Shaaca Laga Qaday

Majaladda caanka ah ee Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa baahisay lacagta lagu burbirin karo qandaraaska goolhayaha Man United ee David De Gea.

14790421160700

Gool-hayihii hore ee Atletico Madrid ayaa la xasuustaa In Real Madrid ku dhawaatay in ay la saxiixao xaagaagii 2015 markaas oo wada hadalada labada koox ay isla gareen daqiiqadihii ugu dambaeeyay ee suuqa kala iibsiga,

Wada hadalada ayaana fashilmay daqiiqadihii dambe ka dib markii dukumiintiyadii loo baahnaa aan waqtigii saxda ahaa la soo gudbin, isla markaana waxa uu isbuuc ka dib qandaraas cusub u saxiixay kooxda kadhisan garoonaka Old Trafford ee magaalada Manchester.

De Gea ayaa saxiixay heshiis cusub oo ku eg 30 June 2019 waana waqtiga ay da’da gool-hayhaan gaarto 28 sano isagoo owood u leh inuu sannad kale ku darsan karo waxaana hadda soo baxaya in qandaraaskii uu saxiixay ay ku jirto lacag lagu burburin karo hishiiskisa taas oo Man United u saamaxaynin in ay ka horjoogsan De Gea in uu ka tago kooxda.

Marca ayaa sheegaysa in qandaraaska gool-hayahaan lagu burburin karo 60 Million ee euro, Waana lacag u dhiganta 51 Million ginni.

Waxay sidaas oo kale ku dartay in Real Madrid aysan weli hilmaamin De Gea, laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa weli ah gool-haye laga aaminsanyahay kooxda ka dib xilli ciyaareed ay kooxda ku guuleysatay Champions League-goodii labaad ee seddex xili ciyaarood gudeheed.

De Gea ayaa hadda ah gool-hayaha koowaad ee shabaqa Man United waana shaqsi dagay ruuxda taageerayaasha Man united sanadihii dambe, waxa uuna si dhab ah uga soo iftiimay shaqadiisa gool hayanimo sidaas oo klae waxa uu badal u noqday gool-hayihii duqoobay ee xulka qaranka Spain Iker Casillas.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan