Muqdisho – Kooxda caasimadda ingriiska ka dhisan ee Chelsea ayaa kasoo gudubtay kooxda Merseyside-ka ka timaada ee Everton ciyaar ka dacday Stamford Bridge.
Wiilasha kala ah Antonio Ruediger iyo Willian ayaa Blues ka badbaadiyeyy musiibo ay kala kulanto kooxda cabursan ee Everton, Toffees-ka waxaa loo saadaalinyey in ay si wanagsan u ciyaari doonto xagaagan isla markaan falanqeyayaasha ayaa oranayey waa kooxda sameyn karta mishhinka aan macquulka aheyn xagaagan, hayeeshee middaas ma aysan sameyn waxaana ka muuqda hoos u dhac weyn iyadoo 8 dhibcood ka heshay 9 kulan oo la ciyaaray horyaalka xagaan, taas oo ka dhigan in kulankiiba ay heshay wax ka yar hal dhibic, waana kooxda saddexaad ee ugu hooseysa horyaalka, si lamid ah Everton waxa ay si gaabis ah ku bilaabatay Europe- League oo ay qeyb ka atahay sanadkan.
Kooxda Toffees-ka ayaa todobaakan ku dhawaaqday in ay shaqada ka ceyrisay tababare Ronald Koeman kaas oo kooxda xagaagii hore usoo saaray tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Yurub ee Europe-League.
Si lamid ah Chelsea kuma jirto heerkeedii ugu wanaagsanaa ee ay sanad qaadato marka loo fiiriyo in ay sadex mar qasaaraty sagaal kulan oo illa iyo hadda la ciyaaray EPL-Ka, Manchester City, Manchester United, iyo Tottenham Hotspur ayeyna kor u fiirineysa iyadoo fadhisa kaalinta afaraad eek ala sareynta.
Qiimeynta Ciyaartooda Labada Koox.
Chelsea: Caballero (6), Rudiger (7), Christensen (6), Cahill (6), Zappacosta (7), Drinkwater (6), Ampadou (7), Kenedy (7), Willian (8), Batshuayi (6), Musonda (7)
Badalada: Fabregas (6), Pedro (6), Morata (6)
Everton: Pickford (6), Baines (6), Williams (6), Jagielka (7), Kenny (7), Baningime (7), McCarthy (6), Davies (7), Lennon (6), Mirallas (6), Rooney (6)
Badalada: Lookman (7), Calvert-Lewin (6), Niasse (6).