Home / Arrimaha Bulshada / QM: 40 Milyan oo qof oo Wajahaya Gaajo ka Jirta Galbeedka iyo Bartamaha Afrika

QM: 40 Milyan oo qof oo Wajahaya Gaajo ka Jirta Galbeedka iyo Bartamaha Afrika

Himilo-In ka badan 40 milyan oo qof ayaa hadda la daalaa dhacaya inay quudiyaan naftooda guud ahaan Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, iyadoo tiradaas la filayo iinay gaarto 52 milyan bartamaha sanadka soo socda, sida ay  sheegtay hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay warbixin cusub oo la soo saaray, Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in 3.4 milyan oo qof ay hadda wajahayaan “heerar degdeg ah oo gaajo ah” oo ka jira gobolka, taas oo ka dhigan koror 70% ah kiisaska noocaas ah.

Warbixintu waxay sheegtay in colaadaha, barakaca, xasillooni darrada dhaqaale iyo musiibooyin daran oo cimilada la xiriira ay sabab u yihiin amni darrada cunnada. Colaadda weli ka socota Saaxil iyo sidoo kale dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa si qasab ah u barakiciyay in ka badan 10 milyan oo qof guud ahaan gobolka. Fatahaado ba’an oo ka dhacay Nigeria iyo Chad bilowgii sanadkan ayaa xaaladda uga sii dartay. Warbixinta WFP waxay sheegtay in amni darrada cunnada sanadka soo socda ay saameyn doonto ku dhawaad hal qof oo ka mid ah tobankii qof ee ku nool Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, halkaas oo Bangiga Adduunku ku qiyaasay in ay deggan yihiin in ka badan nus bilyan oo qof.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan