Himilo FM – Hay’adda QM ayaa shaacisay maanta oo isniin ah in aan cadaalad loo helin danbiyada ka ganacsiga bini’aadamka ee ka dhaca caalamka oo dhan, waxaana kordhay dhacdooyinka arrintaasi la xiriira iyadoo ka faa’iideysiga xagga jinsiga ah uu yimid kaalinta ugu horreysa.
Inkastoo ay kordheen xukunada garsoor ee laga soo saaro ka ganacsiga dadka ee Afrika iyo bariga dhexe haddana xafiiska QM ee qaabilsan daroogada iyo danbiyada oo xaruntiisu tahay Vienna ayaa sheegay in danbiilayaasha ka baxsadaan cadaalada.
Warbixinta waxay sidoo kale xustay in dalalka colaadaha ka jiraan in laga soo diiwaan geliyay danbiyada kuwii ugu badnaa tan iyo muddo 30 sanno ah iyadoo ay la socoto ka gaabin xagga maamulka ah iyo barakicinta dadka.
Hay’adda QM waxay tilmaamtay in ka faa’iideysiga qofka ee jinsi ahaan inay timid kaalinta ugu horreysa ee danbiyada la diiwaan geliyay sanadkii 2016 halka danbiyada shaqaaleysiinta qasabka ah noqdeen seddex meelood meel inta la qoray.
Khubarada warbixinta ayaa sheegay in la soo wariyay 100 dhacdo oo ku qotonta ka ganacsiga xubnaha bini’aadamka intii u dhaxaysay sanadihii 2014 illaa 2017.
Inta badan dadka ka ganacsada bini’aadamka ayaa ku dhaqdhaqaaq badan kaamamka qaxootiga iyaga oo dadka siinaya lacago xad dhaaf ah oo damac gelinaya qof kasta.
Qaar kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka ka shaqeeya ayaa ku lug yeesha ka ganacsiga xubnaha bini’aadamka. 70% dhibanayaasha ayaa lagu sheegay haween halka 23 noqdeen carruur.