Home / Arrimaha Bulshada / Qofkii ugu waynaa Adduunka oo ku geeriyootay da’da 117 Sano

Qofkii ugu waynaa Adduunka oo ku geeriyootay da’da 117 Sano

Himilo-Qofkii ugu da’ada weynaa adduunka, Maria Branyas Morera oo u dhalatay Maraykanka, ayaa geeriyootay iyadoo jirta 117 sano, sida ay qoyska ku xaqiijiyeen baraha bulshada.

Buugga lagu diiwaan galiyo layaabka dunida ee Guinness World Records ayaa sidoo kale soo saartay bayaanka xaqiijinaya dhimashadeeda haweeneydan iyadoo da’da 117 sano iyo 168 maalmood, taasoo ka dhigtay qofka siddeedaad ee ugu da’ada weyn oo leh da’ la xaqiijiyey taariikhda.

 

“Maria waxay si nabad ah ugu dhimatay hoyga daryeelka ee Catalonia, ee dalka Spain halkaasoo ay ku nooleyd labaadan-kii sano ee u dambeysay,” ayaa lagu yiri bayaanka Guinness World Records, kaasoo intaas ku daray in ay geeriyootay Isniintii.

Qoyska Morera ayaa sheegay inay Morera ay u sheegtay dhowr maalmood ka hor dhimashadeeda, inay ku jirto maalmihii ugu dambeye nolosheeda.

Morera waxaa loo aqoonsaday  qofka ugu da’ada weyn aduunka ee GWR bishii Janaayo 2023 ka dib dhimashadii Sister André oo Faransiis-ka ahayd, iyadoo jirta 118 sano.

Mar laweydiiye cimriga dheer sida ay ku heshay waxay tiri ‘ Waxaan u maleynayaa in cimriga dheer uu yahay nasiib iyo hiddo”.

 

Waxay dhalatay bishii Marso 4,1907-dii, markaa oo diyaaradii ugu horeyse la soo saare afar sano ka hore dhalashadeeda iyo laba sano ka hor burburkii markabkii Titanic-ga

Morera waxaa la dhashay sanad kadib markii waalidkeed ay u hijroodeen Maraykanka oo ka yimid Isbaanishka. Sideed sano kadib, qoyska ayaa ku laabtay, waxaana ay soo gaareen Barcelona xilligii dagaalkii koobaad ee dunida. Nolosha Morera sidoo kale waxay soo martay Dagaalkii sokeeye ee Spaine iyo Dagaalkii Adduunka ee Labaad.

Tobankii sanno ee ugu dambeye nolosheeda waxay ku qaadatay guriga daryeelka dadka waaweyn ee magaalada Catalonia halkaa oo ay ugu dambeyntii ku geeriyootay.

Morera waxaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay dadka ugu da’ada weyn ee ka soo kabtay Covid-19, iyadoo xanuunka laga helay May 2020.

Hada qof-ka ugu dada weyn dunida waxaa loo aqoonsaday Jeanne Louise oo dhalatay Febraayo 21, 1875, waxay jirtaa da’da 122 sanno iyo 164 maalmood. sida ay sheegtay GWR.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan