Home / Macluumaad / Qoys bisha Ramadaan afur u sameeya bulshada kala Diimaha ah

Qoys bisha Ramadaan afur u sameeya bulshada kala Diimaha ah

Himilo – Si joogto ah maalin walba tan iyo bishii Ramadaan sannadkii 2013-ka, qoyska reer Dabbours ee Philadelphia waxay cunno afur bilaash ah u sameeyaan qof kasta oo Ameerikaan ah oo soo booqda, sida laga soo xigtay WHYY.

“Waxaynu wax ka billownay meel cidlo ah; hadda wax walba waxay ku jiraan sare kac,” ayuu yiri Amer Dabbour oo isaga iyo afadiisa Dalal ay Suuriya uga soo guureen Maraykanka sannadkii 1992-kii.

Amer walaalkiis ayuu kala wareegay maqaayad kaabiga ku heysa Masjidka weyn sannadkii 2003. Si kastaba, sannadkii 2013-ka, waxay billaabeen inay afur bilaash ah u sameeyaan qof walba oo soo booqda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Tallaabada samafalkani gaar kuma ahan Muslimiinta. Xittaa dadyowga aan Muslimiinta aheyn ayaa awoodi kara inay maqaayadda u soo fariistaan helidda cunno bisil oo ay kula dhinac cunaan Muslimiinta afuraysa.

Badigood waa darbi-jiif ayaankoodu hooseeyo kuwaas oo aan hadiyo jeer heli karin cunno ay cunaan.

Tallaabadaa qoyska Muslimka ah waxay soo jiidatay indhaha maayarka Philadelphia kaas oo kala qeyb galay afurka Ramadaankii.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan