Home / Arrimaha Bulshada / Qoys mar qura Islaamka soo galay!

Qoys mar qura Islaamka soo galay!

Himilo – Ku jiritaanka xaalad bandow ah oo dunida oo dhan lagu soo rogay, kama horjoogsan qoys Maraykanka inay yimaadaan masjidka si loogu qabto kalmadda tawxiidka si ay u aqbalaan in Alle mooyee aanu Ilaah kale jirin, Suubane Muxumed NNKH uu yahay Nabigii uu soo diray.

Hooyada iyo saddexdeeda carruur waxaa iyaga oo taagan ardaaga hore ee Masjidka shahaadada u qabtay Sheikh Yasir Qadhi.

Gabadha ugu yar oo 9 jir ah ayaa walasheed ka weyn iyo walaalkeed ka yar ka dhaadhicisay inay qaataan Islaamka.

Ma ahan shahaadadii koowaad ee loo qabto qoys soo muslimay inta lagu jiro bandowga saaran dunida. Bishii April ee sannadkan waxaa si lamid ah, isaga oo ku sugan gurigiisa Islaamka soo galay Wilhelm Ott, oo ah muwaadin u dhashay dalka Austria.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan