Home / Arrimaha Bulshada / Qoyskii nolasha taajirnimada ka doorbiday inay dawarsadaan!

Qoyskii nolasha taajirnimada ka doorbiday inay dawarsadaan!

Himilo – Lammaane maalqabeen ah oo u dhashay Japan ayaa ku dhawaaqay in adduun wixii ay ka qabeen oo dhan lacag gaaraysa 200 bilyan oo lacagta Japan ugu deeqayaan hey’adaha samaflka iyo daryeelka – iyaga oo markaas kadib noqonaya kuwo ka saahida dhaldhalaalka adduunyada kuna tiirsanaanaya yabooha iyo kaalmada dadka kale si ay usii noolaadaan!

Bhavesh Bhandari iyo afadiisa waxay hanti xooggan ka tacbeen shirkad dhismo waxayna ka sameeyeen adduun dhan 200 bilyan

Balse labo sano kahor ayay go’aansadeen inay ka reebtoomaan macaanka iyo dhaldhalaalka nolosha: taas beddelkeedana waxay doorteen inay noqdaan kuwa ka go’a nolosha caadiga una go’a cibaadada!

Gabadha iyo wiilka ay dhaleen oo kala jira 16 iyo 19 ayaa ku dhiirrigeliyay inay ka saahidaan adduunka oo dhan oo ay noqdaan wadaad diimeedyo kuwaas oo sannadkii 2022 u saahiday xagga suufinimada.

Si kastaba, 22 April ee sannadkan ayay ku dhawaaqeen inay ka go’een jaceylka nolosha raaxada una go’een cibaadada. Waxayna hadda kaddib ku samata-bixi doonaan sadaqada iyo siismada ay ka helaan dadka kale si ay usii noolaadaan maadaama hantidoodii oo dhan ay sadaqeesteen

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan