Home / Macluumaad / Qudus: 400,000 qofood oo xalay u istaagay taajudka masjidka Al-Aqsa

Qudus: 400,000 qofood oo xalay u istaagay taajudka masjidka Al-Aqsa

Himilo FM –Boqolaal kun oo qofood ayaa saalada Taajudka ku tukaday masjidka Al-Aqsa xalay oo ku beegneyd 27-ka bisha Ramadaan.

Sawirro laga helay wakaalada wararka Falasdiin ee Wafa ayaa muujiyay dad tiro badan oo ku tukanaya gudaha iyo bannaanka masjidka Al-Aqsa iyaga oo taagan habeenka 27-ka Ramadaan.

Ku dhawaad 270 kun qofood oo deggan magalaada la heysto ee Qudus iyo daanta galbeed ayaa salaadii Jimcaha ee ugu danbeysay bishan Ramadaan waxay ku tukadeen Masjidka Al-Aqsa iyadoo ay jireen xayiraadaha Yahuudda.

Ciidanka Yahuudda ayaa xeray magaalada faca weyn iyo hareeraheeda iyaga oo sheeganaya in wiil dhallinyaro ah uu qof ku tooreeyay halka la yiraahdo Baab Alcaamuud.

Magaalada Qudus waxaa ka  jira dhaqdhaqaaq xooggan iyadoo dad badan ku qulqulayaan sida laga soo xigtay wakaalada wararka Falasdiin ee Wafa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan