Home / Habka-Nolosha / Radio Himilo oo munaasabad sagootin ah u sameysay wariye Fardowsa+Sawirro

Radio Himilo oo munaasabad sagootin ah u sameysay wariye Fardowsa+Sawirro

Himilo- Munaasabadan oo uu abaabulkeeda lahaa agaasinka idaacadda ayaa isku keentay saxafiyiinta iyo howlwadeenadii hore ee Radio Himilo oo markii ugu horreysay ku kulmay madal ay u dhan yihiin.

Marka laga yimaado shaqaalaha joogtada ah ee idaacadda, waxaa munaasabadda boggaadinta soo xaadiray oo si sharfan loo casuumay saxafiyiintii hore ee xarunta oo isugu jiray barnaamij soo saarayaal, farsamayaqaanno iyo xirfadlayaal si madax bannaan ula soo shaqeeyay Radio Himilo islamarkaana ku biiriyay tayo tilmaaman.

Waxaa kale oo casuumaadda Himilo la gaarsiiyay si wanaagsan noogala qeyb galay xafladda waayo-joog saxaafadeed oo iyaguna si dadban tallooyin ugu biiriyay idaacadda sida Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ah tababare sarre iyo Ustaad Maxamuud Fahad oo katirsan FESOJ.

Ujeedada munaasabada ayaa ahayd boggaadin maamulka xarunta uu u sameynayay dhammaan shaqaalihiii iyo howlwadeenadii Radio Himilo, si gaar ah waxaa loogu boggaadinayay Fardowsa Shiikh Cabdiraxmaan oo kamid ah shaqaalaha joogtada ee xarunta islamarkaana laf-dhabar u ah shaqada warbaahineed ee Himilo.

Fardowsa oo heysata darajada koowaad ee cilmiga saxaafadda kana shaqeynaysay Radio Himilo muddo ka badan seddex sanno ayaa shaqo ka heshay BBC Media Action iyadoo maamulka xarunta uu siiyay fasax muddo sannad iyo bar ah.

Ustaad Faarax Nuur oo qaatay hadal kooban oo uu ku jiheynayay shaqaalaha idaacadda ayaa carrabka ku adkeeyay ahmiyadda wadashaqeynta isaga oo kula dardaarmay saxafiyiinta keydinta xoggaha oo uu sheegay inay taariikh u noqon karto wariyaha.

Mar uu ka hadlayay shaqaalaha idaacadda, Waayo-joogga saxaafadeed ayaa ammaanay Radio Himilo oo uu ku tilmaamay idaacad la gaarowday saxafiyiin leh raad waxbarasho jaamacadeed.

Maxamed Macallin Aadam Barwaani oo ah bare jaamacadeed uguna horreeya liiska dadka sida madaxa bannaan ula shaqeeyay idaacadda kuna biiriyay hal-abuur tilmaaman ayaa jeediyay khudbad si weyn u taabatay wadashaqeynta shaqaalaha.

“ Himilo keliya waxay leedahay meel laga soo galo, malaha meel looga baxo,” ayuu yiri Barwaani.

Agaasimaha idaacadda Himilo Ismaaciil Maxamed Samatar ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan howlwadeenadii hore ee idaacadda iyo kuwa hadda jooga isaga oo xusay in maamulka idaacadda uu ku faanayo cid kasta oo door muuqda ku biirisay xarunta.

Ismaaciil ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay Fardowsa ku biirisay warbaahinta oo ay marqaati ka yihiin dhammaan shaqaalaha idaacadda. Waxaana uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan xilli uu xaqiijiayay in idaacadda soo dhaweynayso marka uu fasaxeeda u dhammaado.

Gunnaanadkii, maamulka idaacadda Himilo ayaa u gartay Fardowsa shahaado sharaf ka marqaati ah dadaalkeedii shaqada idaacadda, waxaana guddoonsiiyay Ustaad Faarax.

Wakhtiga munaasabada kaddib, howlwadeenadii hore ee idaacadda iyo kuwa hadda ka shaqeeya ayaa isku helay wakhti wanaagsan oo ay ku wada sheekeysteen islamarkaana lagu kala war qaatay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan