Home / Cayaaro / Raheem Sterling oo heshiiska cusub ee Man City shuruud ku xiray
Manchester City's Raheem Sterling celebrates scoring his sides third goal of the game

Raheem Sterling oo heshiiska cusub ee Man City shuruud ku xiray

Himilo- Raheem Sterling ayaa la warinayaa inuusan heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixi doonin Manchester City ilaa iyo inta Pep Guardiola uu xaqiijinayo inuu kusii nagaado Etihad Stadium.

Waxaa jiray soo jeedinno ah in Guardiola uu iska casilayo macalinnimda dhamaadka xilli ciyaareedka 2019-20 si uu u raadsado daaq cusub, isagoo dhawaanahan ka dhawaajiyay inuu u wareegayo Serie A.

City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay qandaraas cusub  siiso Sterling si ay u muujiyaan muhimadiisa kooxda, inkastoo weeraryahanku kaliya qalinka ku duugay heshiis cusub dhamaadkii 2018.

Si kastaba , sida laga soo xigtay The Sun, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaan qalinka ku duugi doonin heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 450 kun ginni ilaa inta laga gaarayo mustaqbalka Guardiola ee kooxda.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Sterling xiriir qoto dheer uu la leeyahay ninka reer Spain taasoo la micno ah in bixitaankiisa uu u arko 24 jirkan inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Manchester.

Da ‘yarkii hore ee Queens Park Rangers ayaa dhaliyay 14 gool 18 kulan oo uu u saftay City xilli ciyaareedkan, oo ay ku jirto shan gool afar kulan oo Champions League ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan