Home / Cayaaro / Raheem Sterling oo seegi kara kulanka Man City iyo Real Madrid ee Champions League

Raheem Sterling oo seegi kara kulanka Man City iyo Real Madrid ee Champions League

Himilo – Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi karo kulanka kooxdiisa Manchester City ee lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League oo ay kaga hor imaaneyso Real Madrid 26-ka bishan Febraayo.

Cayaaryahanka reer England ayaa ka baxay garoonka kaddib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii Man City ay la cayaartay Tottenham Hotspur habeenkii Axadda.

Dhaawaca oo aan wali caddeyn ayaa ku qasbay laacibka in uu ka baxo garoonka, waxaa la filayaa in la marsiiyo baaritaan si loo xaddido nuuca dhaawaca gaaray.

Si kasta, marka la fiiriyo Marca, 25 jirka ayaa shaki weyn la gelinayaa in uu cayaari karo lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League oo ay kooxdiisa ku aadan tahay Real Madrid.

Man City ayaa garoonkeeda ku soo dhaweynaysa West Ham United toddobaadka danbe iyaga oo sidoo kale la cayaaraya Leicester City kahor kulanka kooxda Zinedine Zidane.

Sterling ayaa dhaliyay 20 gool 35 kulan oo uu u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska, waxaa kamid ah 5 gool oo Champions League ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan