Home / Habka-Nolosha / Ramires Oo Gaashaanka U Daruuray Wararka Sheegaya In uu Lacag Daraadeed Kaga Soo Tagay Chelsea.

Ramires Oo Gaashaanka U Daruuray Wararka Sheegaya In uu Lacag Daraadeed Kaga Soo Tagay Chelsea.

Laacibkii khadka dhexe ee Chelsea Ramires ayaa daaha ka rogay sababta dhabta ah ee keentay inuu ka tago naadigiisii Chelsea waxana uu caddeeyay inaanu kooxdaas uga tegein sababo dhaqaale la xariirta.

Xiddigan oo lahadlayay  Goal.com ayaa bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanaya isaga oo kahadlay arimo badan oo laxariira maalmahiisii kooxda chalsea.

Ramires  ayaa 6 xilli ciyaareed kusoo qaatay garoonka Chelsea  Stamford Bridge kadib markii uu 2010 ka soo tagay kooxdiisi hore ee Benfica , waxa uuna ugu danbayn £25m ugu wareegay kooxda ka ciyaarta Chinese Super League-ga ee Jiangsu Sunning isagoo saxiixay heshiis 4 sano ah.

“Waxaan arkay dad badan oo sheegaya inaan China u imid lacag aawgeed balse taasi run ma aha” sidaasi waxa yiri Ramires

“Hadii aad xaaladda dib u fiiriso  markii aan ku sugnaa Chelsea waxaan ahaa dookha u danbeeya ee Guus Hiddink usoo xusho booskayga taasna waa ay i niyad jebisay marar badan”

”Xaaladdu marba marka ka danbaysa waa ay kasii daraysey ilaa markii danbe uu dalab iiga yimi China ”

“Jiangsu waxay ii soo bandhigtay qorsheheda mudada dheer iyo inaan noqon doono qof kooxda muhiim ka ah , waxay ii soo bandhigeen wax kasta waanan ka fekeray waqti badan”

“Ugu danbayn waan aqbalay dalabkaas go’aankaasna waan qaatay anigoo la kaashanaya wakiilkayga iyo qoyskayga “sidaas ayuuna Ramires ugu waramay Goal.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan