Home / Habka-Nolosha / RAMOS oo gaaray rikoorka ganaax ee calaamadda cas ee LA LIGA

RAMOS oo gaaray rikoorka ganaax ee calaamadda cas ee LA LIGA

Muqdisho – Difaaca kooxda Real Madrid ayaa garoonka laga saaray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee kulanki ay la ciyaareen naadiga Deportivo La Coruna oo ay kaga badiyeen 3-0 habeenimadii Axadda.

Sergio Ramos waxa uu sidaas ku barbareeyay rikoorkii ahaa laacibka ugu casaanka badan horyaalka La Liga.

Pablo Alfaro oo 18 gudoomay calaamadda guduudan iyo Xavi Aguado oo isna qaatay 18 jeer ayaa ka badnaa Romos, hayeeshe abaal-marintii xalay ee kaarka guduudan ayaa ka dhigan in uu barbareeyay rikoorkii ahaa laacibka ugu casaanka badan horyaalka La Liga.

Garsoore Jose Luis Gonzalez ayaa ka saaray garoonka Estadio Municipal de Riazor markii uu xusul la dhacay Borja Valle, isaga oo horay u kala tuuray ciyaaryahan Deportivo La Coruna ah, kabtanka Real ayaa horay u qabay calaamadda jaallaha, wuxuna falkaas ku qaatay jaallihisii labaad iyada oo loo raacsiiyay calaamada guduudan.

31-jirkan ayaa raacay waddadii uu maray CRonaldo oo horay loo ganaaxay kadib markii uu kala tuuray garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii El Clasico lugtii hore.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan