Muqdisho – Rodrigo Bentancur ayaa kooxda Juventus xagaaga soo socda kaga soo biiri doona da’yarta naadiga Boca – kadib markii Marwada Duqda ay aqbashay adduun lacageed ku kacaya 9.5 milyan oo Gini inay ku qaadato.
19-jirkan qadka dhexe ka ciyaara ayaa heshii shan sanadood ah la saxiixday naadiga Turino ka dhisan ee Juventus wuxuuna si rasmi ah uga mid noqon doonaa ciyaartoyda kooxda 1 bisha July – taas oo soo gabagabeyneysa hal-doornimadii uu labada sanadood ku heystay naadiga Boca.
Bentancur waa laacib kusoo baxay hanaan-ciyaareedka da’yarta kooxda Boca. Qeyb kamid heshiiska waa in adduun dhan 50% naadiga Juventus ka bixisaa haddii ay dhacdo inay iska iibiso laacibkan mustaqbalka.
Loo yaqaan Lolo’, Bentancur wuxuu isaga oo 14-jir ah kusoo biiray kooxda Boca. Wuxuu bandhiggiisii ugu horreeyey kala qeyb-galay kooxda bishii April 2015 isaga oo jira 17 sano.
Wuxuu kooxdiisa heerka labaad kaga soo muuqday 17 ciyaarood. Wuxuuna sideed jeer u saftay xulka qaranka Uruguay ee Under-20s. Kaliyana hal gool ayuu u dhaliyay.