Home / Habka-Nolosha / Rasmi: Marseille oo 25 M kula wareegtay Dimitri Payet

Rasmi: Marseille oo 25 M kula wareegtay Dimitri Payet

Muqdisho – Kooxda Marseille ayaa ugu danbeyn kula wareegtay saxiixa laacibka kooxda West Ham ee Dimitri Payet adduun lacageed ku kacaya 25 milyan, sida ay xaqiijisay kooxdu.

Laacibka heer caalami ee Faransiiska ayaa sanadkii 2015 iskaga soo dhaqaaqay horyaalka Faransiiska isaga oo ku biiray England PL. Hadda wuxuu saxiixay heshiis 4 sanadood iyo bar ah kadib markii uu maray tijaabada caafimaad maalintii shalay.

Intii uu joogay kooxda West Ham, Payet – oo aan ku dareemin raaxo nagaanshiyaha kooxdiisa – ayaa dhaliyay 18 goolal gudaha 66 kulan ciyaareed oo uu saftay.

Marseille ayaa kala horreynta horyaalka Lig 1 kaga jirta booska lixaad 22 kulan oo ay ciyaartay – iyada oo 16 dhibcood ka hooseysa kooxda hoggaanka ku raaxaysanaysa ee Monaco.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan