Himilo – Sheikh Xasiina tan iyo markii ay si dirqi ah Bangladesh uga baxsaday oo ay gashay dalka Hindiya waxay ladahay dal qaabila iyadoo halka ay haatan ku sugan tahay nafto ku aamini la’aday,
Dhowr dal ay u dirsaday magacgalyo siyaasadeed ayaa u dayriyay waxaan kamid ah dalka Britain. Dowladda ingiriiska ayaa u sheegtay raysulwasaaraha baxsadka ah ee Sheekh xasiina in aanay magangalyo siin Karin maaddaama aysan ku sugnayn gudaha UK. Waxa ay kula taliyeen inay iska dhiibto dalka ugu horeeya oo ay ku nabad-galeyso.
Xasiina oo qorshaheedii hore uu ahaa inay tagto Mareykan-ka ayaa loo sheegay inay tagi Karin maadaama uu ka dhacsanyahay dal ku galka mareykan-ka.
Sheikh Xasiina oo mudo 20 sanno kabadan maamuleysay dalka Bangladesh ayaa lixdii bishan diyaarad uga baxsatay dalka Hindiya kadib markii ay gurigeeda u daateen arday dhigeyse dibadbax ay uga soo horjeedeen sharci kala qoondeynaye shaqada dowlada.