Home / Arrimaha Bulshada / Raxan Jiir ama Doolli ah oo nolosha ku cunay cunug 3 bilood jir ah

Raxan Jiir ama Doolli ah oo nolosha ku cunay cunug 3 bilood jir ah

Muqdisho – Cunug yar ayaa dhimatay kadib markii hooyadeed ay kaligeed kaga tagtay gurigeeda iyada oo aaday baar lagu caweeyo habeenkii, marka loo eego booliska dalka South Africa.

Booliska Johannesburg ayaa sheegay inay xireen haweeney 26-jir ah oo aan la heyb-sheegin magaceeda kadib markii cunugteeda 3 bilood jirta ahayd ay nolosha ku cuneen raxan Jiir ama Doolli ah.

Haweeneyda waxaa lagu qaaday ilmo-dayacaad. Marka loo eego baaritaanka booliska, haweeneydan ayaa dhashay wiil iyo gabar mataano ah saddax bilood kahor.

Aabaha 28-jirka ah ee dhalay labada mataano ayaa ka tagay haweeneydan isaga oo u tagay inuu saaxiibtiis la noolaado. Jimcihii ayay haweeneydan waxay wiilka u keentay aabahiis -iyada oo la tagtay gabadheeda.

Kadibna waxay habeenkii oo dhan iyada oo saaxiibkeeda cusub isula baxeen caways iyo cabaal. Markii ay hadaba xilli danbo oo saqda dhexe ah kusoo laabatay aqalka, waxay u timid gabdheeda oo dhimatay.

Booliska ayaa xaqiijiyay in gabadhan ay cuneen raxan Jiir ah.

Carabka cunugta, indhaha iyo faraha ayaa googo’ay. Waxaa intaas dheer in faruuryaha iyo xubnaha kale oo oogadeeda lagu arkay calaamado muujiyay goosinta ilkaha sakiinta ah ee Jiirka.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan