Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya labada shaqsi oo ka tirsan Liverpool

Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya labada shaqsi oo ka tirsan Liverpool

Himilo- Kooxaha ku xafiiltama  Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay waji ka waji isku wajihi doonaan labada nin ee Liverpool Virgil van Dijk iyo Jurgen Klopp.

Kooxaha La Liga ka dhisan ayaa labadoodaba hal guul gaaray afartii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedkan.

Iyada oo cadaadis la saarayo inuu kor u qaado macallinka Nou Camp Ernesto Valverde iyo tababaraha Real Zinedine Zidane haddii natiijooyinka aanay waxba iska beddelin, AS ayaa soo warinaysa in labada naadi ay bartilmaamed ka dhiganayaan Liverpool.

Tababaraha Anfield Klopp ayaa loo maleynayaa inuu yahay dooqa koowaad ee labada koox ee Isbaanishka ah haddii ay doonayaan inay isbeddal dhanka maamulka ah sameeyaan.

Macallinka reer Jarmal ayaa ku hoggaamiyay Liverpool finalka Champions League labo jeer oo isku xigta – oo uu kor u qaaday koobka xilli ciyaareedkii hore – halka uu ku dhameystay kaalinta labaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore.

ku guuldareysashada inay saameyn ku yeeshaan  Europe xilli ciyaareedkan midkoodba Valverde ama Zidane ayaa arki kara iyaga oo la tusinayo Albaabka.

Si kastaba, tababarihii hore ee Borussia Dortmund Klopp ayaa qandaraaskiisa waxa uu ku egyahay illaa 2022.

Dhagaxa Liverpool ee khadka dhexe, Van Dijk, ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu bartilmaameed u yahay Barca iyo Real, iyadoo 28 jirka reer Holland uu dhawaan ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Champions League.

Laakiin wuxuu qalinka ku duugay lix sanno horraantii bishan si uu ugu sii nagaado Anfield illaa 2025.

Waxay ku qaadaneysaa xisaab maaliyadeed in lagu soo jiito midkood maamulaha Liverpool ama xiddig daafaca ka ciyaara meel ka fog Premier League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan