Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Barcelona oo xiiso u muujiyay da’yar katirsan Chelsea

Real Madrid iyo Barcelona oo xiiso u muujiyay da’yar katirsan Chelsea

Himilo – Khadka dhexe ee kooxda Chelsea Billy Gilmour ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Horraantii toddobaadkan, Gilmour ayaa sameeyay bandhig wanaagsan kulankii Chelsea kaga hortimid Liverpool koobka FA Cup-ka iyada oo si weyn loo ammaanay qaab-cayaareedkiisa.

Inkasta oo 18 jirka la filayo in uu kamid noqdo safka koowaad ee Chelsea haddana da’yarka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxo ay kamid tahay Manchester City.

Si kasta, marka la eego El Desmarque, Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale qiimeynaya xaaladda kahor inta aysan sameyn dalabaad.

Gilmour ayaa heysta qandaraas uu ku joogi karo Stamford Bridge illaa 2023-ka iyada oo u badan tahay in aysan Chelsea fasaxi doonin laacibka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan