Home / Cayaaro / Real Madrid oo £100m oo Gini ku dooneysa Eriksen

Real Madrid oo £100m oo Gini ku dooneysa Eriksen


Himilo FM – Kooxda Real Madrid waxay diiradda saaraysaa saxiixa  xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Christian Eriksen inta lagu guda jiro xagaagan.

Eriksen waxa uu wakhti uu ku riyaaqay ku qaatay waqooyiga London tan iyo markii uu kusoo biiray sannadkii 2013, waxa uu dhaliyay 62 gool 251 kulan oo uu ka soo muuqday dhammaan tartamada.

Si kastaba, 26 jirkan waxaa qandaraskiisa ka haray 18 billood,waxaana lagu soo waramayaa in laacibkan ay suura gal tahay in uu heshiiska u cusbooneysiiyo kooxda.

Sida ay warineyso The Independent,  ku guuleystayaasha tartanka qaaradda Yurub ee Champions League ee Real Madrid ayaa diyaarineysa inay ku qarash gareyso £100M oo Gini dhammadka xilli ciyaaredkan.

Warbixintu waxay soo jeedineysaa in Eriksen uu had iyo goor uu heysto fursad uu ugu ciyaari karo mid kamid ah kooxaha Spain.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan