Home / Cayaaro / Real Madrid oo ballan qaad aan caadi aheyn u gudbisay Hazard

Real Madrid oo ballan qaad aan caadi aheyn u gudbisay Hazard

Himilo FM –Real Madrid ayaa qarka u saaran inay Eden Hazard dalab weyn u dirto xagaaga si ay ugu soo qaataan kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo caasimadda Spain marar badan, waxaana laacibkan uu isku dayay in uu ka wareego Stamford Bridge isaga oo doonaya Santiago Bernabeu.

Real ayay u badan tahay inay ku kharash gareeyaan xagaagaan kaddib markii Zinedine Zidane uu tababare u noqday bishii hore isagoo ballan ku qaaday inay dib u soo kabsan doonaan.

Hazard ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo dib u habeynta kooxda ee tababare Zidane iyadoo wargeyska Sun uu sheegayo in dalab 100 milyan oo ginni ah lagu doonayo.

Los Blancos ayaa sidoo kale qarka u saaran inay Hazard ku bixiso lacag gaareysa ugu yaraan £ 350,000-toddobaadkii, lix sanno oo heshiis ah ayay la geli doonaan iyaga oo 28 jirkan kusoo qaadanaya  110 milyan ginni.

Zidane ayaa sidoo kale si aad ah uga hadlay xiddiga reer Belgium: “Waa ciyaaryahan aan mar walba ku faraxsanahay, waa cajiib.”

Hazard ayaa dhaliyay 14 gool oo Premier League xilli ciyaareedkan iyo seddex gool oo uu ka dhaliyay tartamada kale.

Waxa uu yimid Chelsea 2012, waxaana uu 341 kulan u saftay tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 106 gool.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan