Home / Cayaaro / Real Madrid oo Barcelona kula dagaalameysa saxiixa Lautaro Martinez

Real Madrid oo Barcelona kula dagaalameysa saxiixa Lautaro Martinez

Himilo – Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez saxiixa macquulka ah oo ay sameyn karto bishan Janaayo ama xagaaga soo socda.

Isaga oo gacan ka geystay 14 gool oo Serie A iyo Champions League-ga ah ayaa ka dhigeysa Martinez ciyaaryahan ay doonayaan kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Barcelona ayaa immika loo arkaa inay ugu dhaw yihiin saxiixa laacibka reer Argentine kaasi oo sidoo kale ay xaaladiisa qiimeynayso kooxda Man United oo dooneysa inay ku xoojiso safkeeda weerarka.

Si kasta, Sport ayaa soo warineysa in Real diyaar u tahay inay ku dhawaato qandaraaska 23 jirka oo lagu qiimeeyay adduun dhan £94 Milyan.

Inter oo u dagaalameysa afarta sarre ee horyaalka Talyaaniga, Martinez ayaa laga yaabaa in uu ku adkeysto in uu sii joogo garoonka San Siro muddo lix billood oo kale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan