Home / Cayaaro / Real Madrid oo Barcelona kula tartameysa Aubameyang

Real Madrid oo Barcelona kula tartameysa Aubameyang

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo warmayaa inay Barcelona kula tartameyso saxiixa kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang.

Qandaraaska 30 jirka ee garoonka Emirates ayaa dhacaya xagaaga soo socda, waxaana si weyn loola xiriiriyay in uu u dhaqaaqi karo garoonka La Blaugrana.

Si kasta, marka la eego wararka ka soo baxaya Spain, Aubameyang ayaa daneynaya in uu ku biiro kooxda tababare Zinedine Zidane isaga oo ka ballan qaaday awoowgii in uu u cayaari doono Los Blancos.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Arsenal ku dalban doonto cayaaryahanka reer Gabon adduun dhan €65 Milyan.

Aubameyang ayaa dhaliyay 61 gool 96 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii Janaayo ee sannadkii 2018-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan