Himilo – Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay baahi badan u qabto weeraryahanka Liverpool Sadio Mane oo ay dooneyso inay keento garoonka Bernabeu xagaaga.
27 jirka ayaa mar kale qaadanaya bandhig wanaagsan isaga oo dhaliyay 18 gool islamarkaana caawiyay 12 kale 38 kulan oo ah dhammaan tartamada oo dhan.
Mane ayaa saxiixay qandaraas cusub oo uu kula joogayo kooxda tababare Jurgen Klopp bishii November ee tagtay, waxaana uu la joogi karaa kooxda illaa 2022-2023-ka.
Si kasta, marka la eego The Mirror, Madrid ayaa u caddeysay wakiillada cayaaryahanka reer Senegel inay doonayaan saxiixa laacibka suuq furanka xagaaga.
Warbixinnada ayaa tilmaamaya in tababare Zinedine Zidane uu la dhacsan yahay weeraryahanka. Mane ayaa dhaliyay 77 gool isaga oo sameeyay 34 caawin 161 kulan oo uu u saftay Liverpool tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Southampton ol-olihii 2016-2017