Home / Cayaaro / Real Madrid oo dejisay goorta ay la saxiixanayan Paul Pogba

Real Madrid oo dejisay goorta ay la saxiixanayan Paul Pogba

Himilo FM –Sida ay werinayaan warbixino ka imaanaya gudaha Spain, kooxda Real Madrid ayaa dejisay wakhtiga ay lasoo saxiixanayaan bartilmaameedkooda Pogba iyaga oo u qorsheeyay 1 July, maalintaasi oo ay xiddigaha Manchester United u tahay xilliga ay kusoo laabanayaan tababarka diyaar garowga xilli ciyaareedka kahor.

Tani ma ahan mid qarsaoon in hoggaamiyaha Los Blanco ee Zinedine Zidane uu aad u jecel yahay ku guuleystaha koobka adduunka in uu keeno magaalada Madrid iyada oo uu Pogba doonayo in fasalka soo aadan uu kasoo dhex muuqdo tartanka Champions League oo aysan kamid aheyn kooxda uu hadda u ciyaaro ee Man Utd.

Paul Pogba ayaa United dib ugu soo laabtay xilli ciyaareedkii 2016 isaga oo goortaasi saxiixay heshiis shan sanno ah, waxaana markaasi uu €105 million oo u dhiganta £89.3 million kaga soo wareegay Juventus.

Sida ay ku warameyso Marca, Real Madrid ayaa u baahan inay ku riixdo Paul Pogba in July 1 uu kasoo tego United, balse Man Utd ayaan arajeneynin inay wada xaajood heshiis ah la gasho laacibkooda reer France.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan