Home / Cayaaro / Real Madrid oo diidan inay Raphael Varane ka iibiso koox Ingiriis ah

Real Madrid oo diidan inay Raphael Varane ka iibiso koox Ingiriis ah

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay iska-indho-tireyso dalabaad ku saabsan daafaca Raphael Varane xilli ay soo baxayaan warar ku saabsan in uu laacibka u dhaqaaqi karo Manchester City.

26 jirka ayaa sameeyay sumcad wanaagsan isaga oo kamid noqday daafacyada caalamka ugu wanaagsan. Waxa uu dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay mid kale 23 kulan oo xilli cayaareedkan ah.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Man City ku jirto suuqa iyada oo baadi goobeysa daafac dambeed xagaagan xilli John Stones iyo Nicolas Otamendi ku dhibtoodeen inay sameeyaan joogteyn wanaagsan .

Si kasta, Defensa Central ayaa sheegaysa in Zinedine Zidane uu u arko Varane beddalka Sergio Ramos si uu u noqdo kabtanka Los Blancos.

Varane ayaa u saftay Real 309 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Lens sannadkii 2011-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan