Home / Cayaaro / Real Madrid oo diiradda saareysa saxiixa Sterling xagaaga soo socda

Real Madrid oo diiradda saareysa saxiixa Sterling xagaaga soo socda

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso saxiixa weeraryahanka kooxda Manchester City Raheem Sterling suuq furanka xagaagan.

City ayaa laga ganaaxay ka qeyb galka tartanka Yurub kaddib markii lagu helay inay jabisay shuruucda dhaqaalaha UEFA.

Sida hadda uu go’aanka yahay, kooxda horyaalka Ingiriiska ka cayaarta ayaan ka qeyb gali doonin tartanka Champions League illaa xilli cayaareedka 2022-23, taasi oo ka dhigan in cayaaryahanno badan ka tagi karaan garoonka Etihad Stadium.

Sida laga soo xigtay The Sun, Madrid ayaa diyaarineysa dadaal xooggan oo ay £180 Milyan kula wareegayso Sterling xagaaga.

Qandaraaska laacibka 25 jirka ee Etihad Stadium ayaa ku eg illaa xagaaga 2023-ka inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in heshiis cusub laga wada hadlay.

Cayaaryahanka reer England ayaa dhaliyay 20 gool 35 kulan oo uu u saftay kooxda tababare Pep Guardiola xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan