Home / Cayaaro / Real Madrid oo diyaar la ah Isco si ay ula wareegto Pogba

Real Madrid oo diyaar la ah Isco si ay ula wareegto Pogba

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay Isco ku xoojineyso dadaalada ay ku dooneyso saxiixa cayaaryahanka Paul Pogba xagaagan.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la rumeysan yahay in uu u arko Pogba saxiixiisa riyada iyada oo laacibka Faransiiska ee ku guuleystay koobka adduunka 2018-ka lala xiriiriyay u dhaqaaqista garoonka Bernabeu.

Los Blancos ayaa la filayaa inay soo cusbooneysiiso xiisaheeda cayaaryahanka 26 jirka ah oo qandaraaskiisa kooxda uu galayo sannadkii ugu danbeeyay.

Warbaahinta Spain ee Desmarque ayaa tilmaamaysa in Madrid dooneyso inay Man United siiso Isco si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe.

Cayaaryahankii hore ee Juventus ayaa ugu soo biiray United adduun dhan £89 Milyan, waxaana tan iyo xilligaasi lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqi karo Real Madrid.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan