Himilo FM –Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay lasoo saxiixashada Neymar kaasi oo weerarka kaga ciyaara Paris Saint-Germain xagaagaan. Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ku biiray kooxda ka dhisan Ligue 1 sanaddii 2017 isaga oo kaga soo biiray Barcelona, tan iyo markaas waxa uu dhaliyay 48 gool 53 kulan oo uu saftay.
Inkastoo ay sii wadaan xukumidda horyaalka Ligue 1 haddana waxay mar kale ku fashilmeen Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo Neymar uu mar kale dhaawac kaga maqnaa kooxda.
Real Madrid ayaa guuldarrooyin xiriir ah kala kulantay Barcelona iyaga oo laga ciribtiray Copa del Rey xilli sidoo kale lasoo afjaray rajada horyaalka La Liga, kooxdan ayaa sidoo kale laga reebay koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League kaddib markii 4-1 kooxda Ajax ay kaga badisay gurigooda.
Dhinaca kale, waxaa jira waxyaabo aan qorsheynin oo u dhaxeeya labada koox, laakiin sida laga soo xigtay Sport, Real Madrid ayaa u aqoonsatay Neymar in uu xal u yahay dhibaatadooda, waxaana la sheegayaa inay diyaarineyso lacag dhan 350 milyan oo Euro oo ay ku dooneyso 27 jirkan oo ay weheliso dalab qandaraas ah oo 45 milyan Euro ah.
Waxaa la soo jeediyay in madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu doonayo in uu haatan u dhaqaaqo laakiin waxay u muuqataa in PSG ay diyaar u tahay inay ka faa’ideysato bixitaanka Neymar oo ay hesho qiimahaasi waalida ah.