Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo dooneysa soo xera-galinta laacibka Alexis Sanchez.

Real Madrid oo dooneysa soo xera-galinta laacibka Alexis Sanchez.

Muqdisho – Real Madrid ayaa diyaar u ah inay 30 milyan oo ginni kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Arsenal, Alexis Sanchez bisha Janaayo, sida laga soo xigtay Don Balon.

Chilean-kan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa marka uu dhamaado sanadkan, iyada oo aysan  muuqan inuu sii joogi doono Emirates Stadium, Gunners ayaa diyaar u ah inay ka iibiso Zinedine Zidane kooxdiisa lacag yar.

Alexis Sanchez ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Barcelona kadibna waxuu kaga dhaqaaqay naadiga Arsenal, lama oga sida ay taageerayasha Barcelona uga fal celin doonaa haddii uu laacibka garabka ka xamaasha uu u soo wareego caasimadda Spain.

Real ayaa diyaar u ah in ay ka faa’iideysato xaaladda uu hadda ku sugan yahay Alexis Sanchez iyada oo loolan adag la gali doonta kooxda loo saadaalinayey in ay laacibkan qaadan doonto ee Man City, Real Madrid ayaa diyaar la ah in ay bixiso adduun lacageed gaaraya 30 milyan oo lacagta Yurub ah.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan