Real Madrid oo dooneysa weerar-yahanka Pierre-Emerick Aubameyang

Muqdisho – Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto weerar-yahanka Pierre-Emerick Aubameyang oo ka tirsan Borussia Dortmund, sida ay sheegeyso Don Balon.

Arsenal ayaa wada-hadalo kula jirta Aubameyang, laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan adag kala kulanto Madrid kadib markii madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu go’aansaday in si dhaqso ah uu u xaliyo dhibaatada  gool-dhalinta ee kooxda heysata.

Mauro Icardi ayaa lagu soo warramayaa inuu diiradda u saaran-yahay Madrid, hayeeshee Perez ayaa diyaar u ah inuu 70 milyan oo ginni ku qarash gareeyo laacibkan isla markaana uu ku garaaco kooxda Arsenal.

Waxaa la’aamisanyahay in Aubameyang uu aadista kooxda London ku dooran lahaa u dhaqaaqista naadiga ka dhisan caasimadda Spain,  laacibkan ayaana muddo dheer ku riyoonayey ka ciyaarista Santiago Bernabeu.

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.
Cabdicaziiz149@gmail.com.

error: Copy lama Ogola Fadlan