Himilo FM –Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biirayo Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda La Liga ayaa la sheegayaa inay diyaar u tahay inay la kulanto qiimaha ay Tottenham ku dooneyso 27 jirkan, waxaana la rumeysan yahay inay tahay 130 milyan oo ginni.
Real Madrid ayaa sheegtay in Madrid ay dhiira gelisay inay heshiis la gaaraan xagaaga iyadoo ciyaaryahanka reer Denmark uu si joogta ah u aqbalay dalabkooda..
Tottenham, oo isku dayday inay hehiis cusub ka saxiixato ciyaaryahankii hore ee Ajax ayaa horey u lumisay Luka Modric iyo Gareth Bale oo ku biiray Madrid.
Xiddigaha kale ee Premier League Paul Pogba iyo Eden Hazard ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ku biiraan Bernabeu ka hor xilli ciyaareedka soo socda.