Home / Cayaaro / Real Madrid oo heshiis la gaartay daafaca Porto ee Eder Militao

Real Madrid oo heshiis la gaartay daafaca Porto ee Eder Militao

Himilo FM –Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay daafaca FC Porto Eder Militao isagoo noqonaya heshiiskii ugu horeeyay ee kooxda tan iyo markii Zinedine Zidane uu ku soo laabtay.

Militao oo 21 sanno jir ah ayaa u dhaqaaqi doona Bernabeu bisha June lix sano oo heshiis ahna la meel dhigay, sida ay ku dhawaaqday Madrid.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa Porto kaga soo biiray Sao Paulo xagaagii lasoo dhaafay isagoo ugu biiray 4 milyan Euro. Madrid ma aysan soo bandhigin qiimaha ay ku qaateen, laakiin Marca ayaa toddobaadkan soo warisay in Militao lagu bur burin karo qandaraaskiisa € 50m taasoo kor u qaadi doonta 50 boqolkiiba ilaa € 75m haddii aan heshiiska la dhameystirin bisha July 15-keeda.

Militao ayaa seddex gool u dhaliyay Porto xilli ciyaareedkan, oo uu ku jiro mid ka mid ah Champions League wareega group-yada ee Schalke uu ka dhaliyay. Waxa uu ciyaaray labada lugood ee wareega 16ka ee ay ka badiyeen Roma taasoo u  xaqiijisay kooxda Portuguese-ka ah booska quarter final-ka.

Zidane ayaa Isbuucaan ku soo laabtay Madrid, sagaal billood uun markii uu ka soo tagay Los Blancos waxaana  uu beddelay Santiago Solari, kaasoo albaabka laga saaray ka dib markii uu labo todobaad  qasaaro kala kulamy kulamadii  El Clasico ee Barcelona iyo tii gurigooda ay ku biday Ajax. Guuldaradaa ayaa soo afjartay hankii ay  ka lahaayeen Champions League iyo Copa del Rey – waxaana ay 12 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Barcelona  horyaalka La Liga.

Madrid ayaa ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka La Liga, laakiin waxaa laga dhaliyay goolal badan oo ah 32 gool marka loo fiiriyo koox kasta oo ka mid ah sideeda kooxood ee ugu sareysa horyaalka, marka laga reebo kooxda kaalinta lixaad ee Sevilla, oo 36 laga dhaliyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan