Home / Cayaaro / Real Madrid oo Isco iyo Mariano Diaz bixinaysa si ay u helaan hal xiddig

Real Madrid oo Isco iyo Mariano Diaz bixinaysa si ay u helaan hal xiddig

Himilo- Real Madrid ayaa ka Arinsanaysa  inay Isco iyo Mariano Diaz siiyaan Tottenham Hotspur  taas oo qeyb ka ah heshiiska ay kula soo wareegayaan Christian Eriksen bisha Janaayo.

Los Blancos ayaa xiiso u qabta kubadsameeyaha reer Denmark laakiin ma keeni doonto iyada oo aan ciyaartoy dhowr ah marka hore bixin.

Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, kooxda La Liga ka dhisan ayaa rajeyneysa inay u soo bandhigaan labo ciyaaryahan oo aan loo baahneyn oo ku sugan naadiga si loo siiyo Mariano iyo Isco Spurs iyagoo rajeynaya inay labadoodaba xalliyaan dhibaatadooda hal mar, sida laga soo xigtay El Desmarque.

Weeraryahan Mariano wali lama adeegsan xilli ciyaareedkan halka ciyaaryahanka khadka dhexe Isco uusan ciyaarin inta badan, iyadoo labadoodaba ay iska cad yihiin inuu macalin Zinedine Zidane u baahnayn.

Isco ayaa ku dhibtooday qaab ciyaareedkiisa Madrid wuxuuna ugu dambeyntii ka quustey inuu u dagaallamo booskiisa kooxda, isagoo haatan rajeynaya inuu iskaga tago si uu xal ugu helo mustaqbalkiisa ciyaareed.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan