Himilo- Real Madrid ayaa si dhow isha ugu heyso goolhayaha kooxda Athletic Bilbao Unai Simon iyadoo Thibaut Courtois uu weli halgan ugu jiro sidii uu ugu ciyaari lahaa kooxda reer Spain.
Courtois ayaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda Chelsea sanadkii 2018, xiddiga reer Belguim ayaa noqday muran la’ aan goolhayaha koobaad ee kooxda inkasta oo uu tartan kula jiray Keylor Navas, kaas oo ku biiray Paris Saint-Germain.
27-sano jirkan ayay ku adkaatay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kooxda Zinedine Zidane, inkasta oo uu shabaqa ilaashaday kaliya seddex jeer 10 kulan oo uu saftay xagaagan, waxaa laga dhaliyay 12 .
Sida laga soo xigtay El Desmarque, Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Bilbao Simon, kaasoo lagu heli karo 43 milyan ginni madaama qandaraaskiisa haatan uu ku joogo San Mames qiimahaas lagu masixi karo.
22-sano jirkan ayaa soo maray nidaamka dhalinyarada ee Bilbao waxaana kaliya uu ahaa dooqa koobaad ee kooxda intii u dhexeysay bilowgii ololaha 2019-20.
Xilli Ciyaareedkaan, Simon – wuxuu u ciyaaray heerka 21-jirada Spain – wuxuu shabaqa ilaashaday afar jeer siddeed kulan oo La Liga ah, isagoo keliya afar gool laga dhaliyay intii lagu jiray qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah.
5 months or 2, 693 days I have reached a milestone by consuming a grand total of 5, 131 life extending pills brand cialis online