Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo isku diyaarineysa u dhaqaaqista Sergio Aguero.

Real Madrid oo isku diyaarineysa u dhaqaaqista Sergio Aguero.

Muqdisho – Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarineyso dalab ay u direyso weeraryahanka Manchester City, Sergio Aguero.

Aguero ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan City markii uu dhaliyay goolkiisii 178-aad kulankii ay 4-2 kaga badiyeen Napoli ee Champions League todobaadkii hore.

Xiddiga reer Argentine ayaa sidoo kale kulankii Arsenal ee Premier League dhaliyay goolkiisii 179 ee kooxda Citizens. dhamaadka Isbuucaan.

In kasta oo Aguero uu ku sugan yahay Manchester, waxaa la fahamsan yahay in xiddiga Koofur America uu ka fekerayo mustaqbalkiisa, sida ay sheegeyso Le 10 Sport, Real Madrid ayaa aaminsan inay weerarka ku soo celin karaan horyaalka Spain.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in sanadkan kooxda Real Madrid ay ku dhiban tahay side ay u gaari laheyd taas ayaana ku qasbeysa in ay  suuqa gasho bisha Janaayo, madaxweyne Florentino Perez ayaa kalsooni ku qaba inuu heli doono qandaraaska 29 jirkan.

Aguero ayaa dhaliyey 101 gool 234 kulan oo uu u saftay kooxda ay xafiiltamaan Real Madrid ee Atletico Madrid ka hor inta uusan u dhaqaaqin City xagaagii 2011.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan