Home / Cayaaro / Real Madrid oo ka arrinsaneysa dib-u-cusbooneysiinta xiisaha Pogba

Real Madrid oo ka arrinsaneysa dib-u-cusbooneysiinta xiisaha Pogba

Himilo – Real Madrid ayaa ka arrinsaneysa inay dib u soo nooleeyaan xiisaha cayaaryahanka khadka dhexe ee Man United Paul Pogba.

Xilli xannuunka safmarka ah ee Karoona uu hoos u dhigi doono kharashaadka suuqa kala iibsiga haddana Pogba iyo Bruno Fernandes ayaa si wadajir ah saameyn uga sameeyay Old Trafford.

Si kasta, cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka aya loo badinayaa in uu la sii joogo kooxda horyaalka Ingiriiska ee Man United.

Sida laga soo xigtay Get French Football News, tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa taageeraya in mar kale kooxdiisa dadaal ku bixiso helitaanka laacibka Faransiiska.

Qandaraaska Pogba ee Old Trafford ayaa waxaa ka harsan muddo hal sanno ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan