Home / Cayaaro / Real Madrid oo ka qoomameynaysa in aysan fasaxin Gareth Bale

Real Madrid oo ka qoomameynaysa in aysan fasaxin Gareth Bale

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka qoomameynayso inay kahortimid ka tegista Gareth Bale ee garoonka Bernabeu.

Bale ayaa la filayay in uu heshiis u saxiixo kooxda ka dhisan Shiinaha ee Jiangsu Suning sannadkii hore balse Los Blancos ayaa la soo warinayaa inay kahor timid go’aankaasi wakhtigii ugu danbeeyay.

Cayaaryahankii hore ee Tottenham ayaa ku dhibtooday in uu boos joogto ah ka helo tababare Zinedine Zidane xilli cayaareedkan isaga oo keliya ka soo muuqday 14 kulan oo La Liga ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Real ayaa daneynaysa inay fasaxdo laacibka Wales oo dhaliyay 105 gool 249 kulan oo uu u saftay kooxda Zidane tan iyo markii uu kaga soo biiray Spurs sannadkii 2013-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan