Muqdisho – Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain ku garaacday saxiixa tartanka loogu jiray weeraryahanka AS Monaco Kylian Mbappe.
Kadib markii hana-qaadkan uu dhaliyay 26 gool 44 soo muuqasho oo uu sameeyay dhamaan tartamada xagaagii hore. Wuxuu si dhaqsi leh ku noqday mid helaya dalabyo qaali ah oo kasoo gaaraya kooxaha waaweyn ee Yurub iyaga oo doonaya in ay kula soo wareegaan lacag ka badan £100Million oo English-ka ah.
Had iyo jeer waxaa soo baxayay xiisaha ka imaanaya Real Madrid kaas oo ku wajahnaa Faransiiskan heerka caalami, waxaana kubaddiisa jecel tababaraha kooxda ee Zinedine Zidane, sida ay warinayso The Sun. Wayna ku dhowyihiin saxiixa xidiggan.
Waxaa lagu soo waramayaa in labada kooxood ay isku afgarteen lacag gaaraysa £120Million si xiddigan uu ugu wareego caasimadda dalka Spain ee Madrid.
Real waxaa ka tagay weeryahankii heerka caalami ee Spain, Alvaro Morata kaas oo £70 million ugu guuray London iyo kooxda Chelsea.
Monaco ayaa doonaysa in ay ilaashato ciyaartoydeeda muhiimka ah si ay u difaacdaan horyaala France Ligue 1, hayeeshee Mbappe waxa uu u muuqdaa mid kamid ah shan cayaaryahan oo dooqa koobaad ah laakiin ka tagi kara Stade Louis II kahor dhamaadka bisha August.
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.