Himilo –Real Madrid ayaa u dhaqaaqeysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Donny van de Beek haddii ay ku guuldareystaan inay soo xero geliyaan Paul Pogba si ay u keenaan Bernabeu.
Madrid ayaa weli si weyn loola xiriirinayaa Pogba, kaasoo muujiyay rabitaan ah inuu ka tago Old Trafford xagaagan suuqa kala iibsiga.
Juventus ayaa la aaminsan yahay inay tahay kooxda kale ee doonaysa ciyaaryahanka Faransiiska ah, inkastoo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga haatan uu maamulkeeda hayo Maurizio Sarri.
Sida laga soo xigtay wargeyska Marca, Los Blancos ayaa ku guuldareysan karta inay soo qaadato ciyaaryahanka khadka dhexe ee United, ka dibna waxay u dhaqaaqi doonaan Van de Beek, kaasoo dhaliyay 17 gool isla markaana 13 gool caawiyay 57 kulan oo uu u saftay Ajax xilli ciyaareedkii hore.
22 jirkan, oo ah xiddig shan jeer matalay Netherland, ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Amsterdam ku eg illaa June 2022-ka.
Laakiin Khabiirka kubbada cagta Holland Marcel van der Kraan ayaa dhawaan sheegay in Van de Beek uu doonayay inuu ka tago kooxda reer Dutch si uu u aado Premier League xagaaga.