Himilo- Real Madrid ayaa hoggaaminaysa raacashada loogu jiro saxiixa macnaha badan sameeyay xagaagi laga soo gudbay ee Donny van de Beek iyaga oo ka sarreeya kooxda liidashada sameysay todobadii fasal ee lasoo dhaafay waase Manchester United.
Van de Beek, waa 22 jir leh hibo loo riyaaqay waxa uu kamid ah khadka dhexe qaaradda Yurub ee sida cajiibka ahi loo doonayo, kaddib wacdarihii uu kusoo bandhigay Ajax.
Madrid and United ayaa labadooduba lala xiriirinayay in ay u quudaraynayaan laacibka qaranka Netherlands, laakiin kooxda Spanish-ka ayaa halka sarre kaga tilmaaman warbixintaan.
Nuxurka sheekada;
Real Madrid qarash macquul ah ayay ku bixinayaan saxiixa Van de Beek halka Manchester United ay qiimo sidaa u weyn aysan ku bixin doonin xiddiga Ajax sida ay ku warrantay Mirror.
Warbixintu waxay istaasi ku dartay in Ajax ay hordhigtay kooxda Premier League qiimo dhan £35million oo u dhiganta (€39.3m) seddex bil kahor, laakiin hadda waxa uu joogaa £100million oo u sarrifan (€112.3m).
Madrid waxa ay raadineysay tiro xiddigo khad dhexe ah, oo uu ku jiro United laacibkeeda Paul Pogba.